Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay inay dayacaada iyo daryeel la’aan caafimaad ka jirto Isbitaal Martiini ee ay maamusho dowladda Federaalka.
“Wasaarada caafimaadka waxay maanta soo saartay digniin ay u jeedinayso Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Magaalada Mogadishu in la geeyo dadka qaba ama uu ku dhacay cudurka Covid 19. Sagaalka qofood ee wasaaradda caafimaadku sheegtay in ay u geeriyoodeen cudurka COVID 19 ee xalay Isbitaal Martiini ku dhintay waxaa la sheegay in neeftu ku dhegtay kadib markii uu shaqeyn waayay mashiinkii oksijiin ka ahaa ee bukaanada neefta siinayey. Sababta mashiinadu u shaqayn waayeen ayaa lagu sheegay in isbitaalka korontadu ka tagtay, ayna ka maqneed muddo saacad ah…” Ayuu yiri Mahad Salaad oo ka hadlay xaaladda isbitaalka Martiini.
Mahad Salaad ayaa is weydiiyay in dayacaada iyo daryeel la’aanta caafimaad ee k ajirta Isbitaal Martiini, sababteedana ay leedahay Wasaarada Caafimaadka lagu eedayn karo Isbitaalada gaarka loo leeyahay sida uu yiri.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Xukuumada inay xil gaar ah iska saarto bedqabka iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed, shaqadeeduna aysan noqon igu sawir iyo shirar jaraa’id oo maalin walba la qabto.