Monday, July 14, 2025

Mahdi Guuleed oo xariga ka jaray Qeybta Cusub ee Shirkadda Hormuud ka dhistay Isbitaal Benadir

Munaasabad xarigga looga jaray furitaanka qeyb cusub oo ay dib udhis ku sameysay Shirkada Hormuud ayaa lagu qabtay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Sii-hayaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxamed guuleed ayaa xarigga ka jaray, iyadoo ay wehlinayiin qaar kamid ah golihiisa waziirada.

Cali sheikh yaasiin (Cali fadhaa) oo ah masuul ka tirsan shirkada Hormuud ayaa ka warbixiyay heerarkii uu soo martay hirgalinta qeybtan cusub ee loogu talagalay in lagula tacaalo dadka qaba Covid19.

Waziirka caafimaadka xukuumada federaalka Somalia Dr. Fowziya Abiikar Nuur oo iyana goobta ka hadashay ayaa uga mahadcelisay shirkada Hormuud kaalinta ay ka qaadaneyso hormarinta adeegyada bulshada oo caafimaadku ugu horeeyo 

Mahdi Maxamed Guuleed sii hayha xilka raysal wasaaraha dalka oo xariga kajaray isbitaalkaasi cusub ee lagula tacaalayo Covid-19 isla markaana ay dib udhis ku sameysay shirkada Hormuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay shaqada muhiimka ah oo shirkadda Hormuud dadka u heyso wuxuuna tilmaamay dhismahaan isbitaalka uu kusoo aaday xiligii loogu talagalay

Shirkada Hormuud oo ka duulaysa qatarta caafimaad ee uu xambaarsan yahay cudurka covid19 oo saameyn xoog leh ku yeeshay wadamo badan oo caalamka ka mid ah ayaa u istaagtay hir-galinta xarun caafimaad oo lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi saf-mareenka ah.

Qaybtaan cusub ayaa loo dhammaystiray dhammaan agabyada caafimaaad ee qol waliba loogu tala galay, iyadoona loo dhisay hannaan casri ah waxaana dhisay shirkadda dhismaha Buruuj.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON