Wednesday, June 25, 2025

Malaaq Cali Malaaq Showri: “Xasan Sheekh waxaan u sheegayaa inuu soo xiro Xasan Muungaab” (Dhageyso)

Malaaq Cali Malaaq Showri oo ah malaaqa Xamar iyo Xamar Daye ayaa si kulul uga hadlay dagaalada maalmahan ka dhacayay tuulooyin ka tirsan Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe, isagoo ku eedeeyay inay dagaalada beeleed iyo dadkii la laayay uu ka dambeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

malaaq

Malaaqa wuxuu sheegay in ay caddahay lugta uu Muungaab ku lahaa dagaalada Warsheekh, isagoo intaas ku daray in Xuseen Dheere nin la yiraahdo oo ka mida la-taliyeyaasha Xasan Muungaab uu dagaalada hogaaminayay, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in cadaaladda la hor keeno Xasan Muungaab, isagoo xaqdarro ku tilmaamay in la xirxiro ganacsato iyo waxgarad ka tirsan beesha Mataan Cabdulle.

Cali Malaaq Showri wuxuu bogaadin u jeediyay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaabe oo uu sheegay inuu kala dhex galay beelaha walaalaha ah ee dagaalamayay, isla markaana uu xirxiray xubno dagaalada waday.

Dhageyso codka Malaaq Cali Malaaq Showri, Malaaqa Xamar & Xamar-daye

 

Xigasho: Banadir.net

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON