Tuesday, June 24, 2025

Malaayiin sharci darro ku jooga Mareykanka oo laga tarxiilayo dalkaasi & Soomaali ka mida.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku siiyay hey’adaha hirgelinta sharciyada Socdaalka ee dalkan inay qabqabtaan, isla markaana dalkaasi ka tarxiilaan dadka muhaajiriinta ah ee sharciyada looga diiday dalkaasi oo go’aanada musaafurintooda hore loo gaaray.

Howlgalo ballaaran oo dadkaasi lagu soo qabanayo ayaa Axadda berri ah ka bilaabanaya guud ahaan dalka Mareykanka, waxaana sida ay qortay Jariidadda the Washington Post, oo sheegtay in lagu beegsanayo kumanaan oo qoys oo ku nool magaalooyin waaweyn oo ku yaala Mareykanka sida magaalooyinka Houston, Chicago, Miami iyo Los Angeles.

Magaalooyinka kale ee raafka dadka la tarxiilayo ka bilaaban doono ayaa waxaa ka mida Atlanta, Baltimore, Denver, New Orleans, New York iyo San Francisco, waxaana dadkan ka mida Soomaali badan oo go’aanka madaxweyne Trump uu saameyn doono. 

Madaxweyne Trump uu fariin uu soo dhigay bogiisa twitterka toddobaadkii horeku sheegay in Mareykanku uu bilaabayo musaafurinta malaayiin qof oo sharci darro dalkan ku jooga, waqtigooduna uu dhammaaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON