Monday, June 23, 2025

Malala Yuusufzai oo xaflada dhalashadeeda 19-aad ku qaadaneysa xeryaha Qaxootiga Dhadhaab

Gabadha ugu yar ee ku guuleysatay abaalmarin Nobelka, una dhalatay dalka Pakistan Malala Yuusufzai ayaa dhalashadeedii 19-aad ku soo beegtay socdaal ay ku tagtay xerada qaxootiga ugu weyn dunida ee Dadaab, dalka Kenya oo ay ku jiraan qaxooti Soomaali ah.

Ujeedka Malala ayaa ah inay dareen dunida kus oo jeediso qaxootiga ku nool dalka Kenya. “Waxan halkam u joogaa inaan u hadlo walaalaheyga Soomaaliyeed ee aan codkooda la maqlin ee u dagaalamaya maalin kasta sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen” ayay tiri Malala Yuusufzai oo u warantay wakaalada wararka AP.

Malala Yuusufzai ayaa sanadkii 2012 waxaa toogtay maleeshiyo dalka Paksitan ku sugan, iyadoo dhaawac halis ah oo kasoo gaaray looga daweeyay UK, waxayna noqotay qof u ololeysa waxbarashada gabdhaha. Waxayna maalinta dhalashadeeda sanad kasta ku beegta iyadoo booqata degaanada waxbarashada gabdhaha ay liidato.

sanadkii hore 2015 waxay booqatay dalka Lubnaan iyadoo halkaasi ka furay dugsi ay gabdhaha qaxootiga ah ee Suuriya wax ku bartaan, iyadoo sanadkii ka horeeyay u ololeysan sii deynta gabadhihii reer Chibok ee Boko Xaram ay afduubatay.

Afhayeenka Malala Yuusufzai ayaa sheegay inay xiriir la lahayd koox ka mida gabdhaha qaxootiga ah ee ku nool xerada Dhadhaab ilaa sanadkii hore, ayna qorsheysatay inay la kulanto socdaalkeeda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON