Maleeshiyada Alshabaab ayaa saaka aroortii weerar dhowr jiho ah ku qaaday degmada Balcad e Gobolka SH/Dhexe, iyadoo dagaal kooban kadib ay isaga baxeen ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda.
Dadka degaanka ayaa sheegaya inay Alshabaab la wareegeen saldhigii Booliska Degmada Balcad, Xarumihii maamulka iyo goobo kale, ayna xabsiga kasii daayeen maxaabiis fara badan oo ku jirtay Saldhiga Booliska degmada.
Wararkii ugu danbeeyaa ayaa sheegaya in ka badan saacad markii ay Alshabaab qabsadeen degmada Balcad au dib uga baxeen, halka ciidamadii dowladda ay ka gudbeen buundada dhinaca Muqdisho, halkaasoo ay AMISOM ay ciidamadeeda saldhig ku leeyihiin.
Alshabaab ayaa dhowr jeer sanad kasta la wareega degmada Balcad, kadibna isaga baxa, iyado ciidamada maamulka degmada iyo kuwa dowladda ay mar kasta ku fashilmaan inay iska caabiyaan maleeshiyadaasi, balse ay canshuur fara badan ka qaadaan gaadiidka halkaasi mara.

LA SOCO WIXI SOO KORDHA…