Saturday, June 28, 2025

Maleeshiyada Alshabaab oo ka baxday degmada Aadan Yabaal

Maleeshiyada Alshabaab ayaa isaga baxay degmada Aadan Yabaal caawa kadib markii ay ku soo dhowaadeen ciidamada Itoobiya oo ka soo baxay Moqokori.

Wararka laga helayo Aadan Yabaal oo ah degmadii ugu danbeysay ee Alshabaab ka heysatay  Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab ay maleeshiyadooda ka saareen degmada, kadib weerar gaadmo ahaa oo jidka u galeen ciidamada Itoobiya galabta.

Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Shabaab ay banneeyeen Magaalada, markii ay ku dhowaadeen ciidamada Itoobiya iyo qaar la socda oo dowladda Federaalka ka mida.

Dadka degaanka ayaa maanta iyo shalay ka barakacay magaalada iyadoo aaday degaanada ka fogfog si ay uga badbaadaan dagaalka.

Kooxda Al-shabaab ayaa degmada  Aadan-yabaal gacanta ku heysay muddo gaareysa 9 Sanadood, waxayna ahayd degmada ku harsan gacantooda gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaa kaloo ay noqoneysaa markii ugu horeysay mudo 9 sanadood ah oo ciidamada Itoobiya galaan Gobolka Sh/Dhexe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON