Thursday, July 31, 2025

Maleeshiyada Alshabaab oo ka dhex dagaalamaya Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi [TOOS U DAAWO]

Waxaa weli ka socda magaalada Nairobi howlgal ay ciidamada amniga Kenya ka wadaan Hotelka Dusit, halkaasoo ay kula dagaalamayaan maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab oo weerar ku gashay kadib qaraxyo ka dhacay bannaanka hotelka.

Dadkii ugu danbeeyay ee gudaha hotelka laga soo badbaadiyey ayaa sheegay in xaaladda ay aad u liidato, balse ay ciidamada isku dayayaan inay maleeshiyada soo afjaraan, laakiin waxaa xilliga oo habeen noqonaya uu keenay inay xaaladu sii cakiranto.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay weerarka lagu qaaday Hotelka Dusit oo ah dhisme weyn oo hotel iyo xafiisyo isugu jira, waxaana laab qarax lagu furay weerarka saacadu markii ay ahayd 3:15 xilliga Nairobi.

Rasaas goosgoos ah ayaa laga maqlayaa gudaha hotelka, iyadoo ay dad badan ku xayiran yihiin, waxaana dadka laga badbaadiyey ay sheegeen inay dirqi uga badbaadeen rasaasta ay furayaan maleeshiyada weerarka ku qaaday hotelka.

HOOS KA DAAWO SI TOOS AH

https://youtu.be/-cz25QZqSPI

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON