Wednesday, June 25, 2025

Maleeshiyada Alshabaab oo weerar kedis ah ku gashay Degmada Mahadaay

Wararka laga helayo gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada kooxda Alshabaab ay weerar kedis ah ku galeen degmada Mahadaay.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarkan ku beegsaday saldhigga Ciidamada  dowladaa ee degmada Mahadaay, waxaana dagaal muddo kooban socday uu dhex maray ciidamada dowladda, intii markii dambe aanay dib uga bixin maleeshiyadii Alshabaab.

Dagaalka dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagy dilay Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa kalane ku dhaawacmeen.

Alshabaab ayaa sheegatay inay ciidamo iyo saraakiil ku dishay weerarka ayna gudaha u gashay saldhiga ciidamada Mahaday oo muddo ay gacanta ku dhigtay.

Alshabaab ayaa u muuqata inay sii xoojisay weerarrada ay ka geysaneyo Gobolka Shabeelada Dhexe, oo maalmihii ugu dambeeyay ay weerarro is daba joog ah ka geysatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON