Thursday, June 26, 2025

Maleeshiyadii Alshabaab oo ka baxay Togga Suuj [Sidee u baxsadeen….???]

Maleeshiyada Alshabaab la sheegay inay isaga baxeen Togga Suuj ee gobolka Nugaal sida ay sheegayaan wararka laga helayo degaankasi.  Maleeshiyada Alsahbaab ayay u suuragashay inay ka baxaan Togga Suuj ee mudada afarta maalmood ah dagaalka ku dhex marayay ciidamada Putnland.

Wararka dadka degaanka laga helayo ayaa sheegaya in Alshabaab ay ka baxeen Aagga Suuj, iyagoo u baxay dhinacii ay kasoo galeen ee Badda, waxayna isugu tageen goob kale oo dhinaca Garmaal xigta. Goobjooge u hadlay VOA ayaa sheegay in qaar ka mida maleeshiyada ka baxday Togga Suuj midkood la qabtay.

Ciidamada Puntland oo hore u sheegay inay hareereeyeen Suuj oo aanay dhinacba u bixi karin kooxda Alshabaab ee halkaasi ku jirta ayaan la ogeyn sababta ay u hor istaagi waayeen dableyda ka baxday Togga Suuj.

Ciidamada Puntland ayaa qaarkood la sheegay inay galeen Toga Suuj oo qeybo ka mida ay baadi goob ugu jiraan. Waxaana la sheegay inaan wax saanad ah loogu tegin halkaasi.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Puntland oo faahfaahin ka bixinaya xaaladda Aagga Suuj. Waxaana madaxda Puntland laga sugayaa jawaabo cadcad oo ku saabsan sida ay ugu suuragashay in maleeshiyadii afarta maalmood lagula dagaalamayay Suuj ka baxaan aaggaasi? iyo sababta ay wax uga qaban waayeen ciidamadii Puntland ee ku hareereysnaa.

Waa sidee muuqaalka iyo xaaladda Togga Suuj (Akhri Warbixinta oo daawo Sawirro)

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON