Tuesday, June 24, 2025

Maleeshiyo Alshabaab ah Dad ku laayay duleedka Afgooye oo jid-gooyo lagu khaarijiyay

Howlgalkii ugu weynaa oo ciidamada xoogga dalka ay u dhigaan kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo dad shacab ah ku laayay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho.

Kooxda ka tirsan Alshabaab ayaa galabnimadii shalay weerar ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ku weerraray Gaari ay la socdeen dad shacab ah, waxayna ku dileen saddex qof iyagoo mid kale ku dhaawacmay.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa watay Gaari  yar iyo Mooto, waxaana marka falku dhacay soo gurmaday ciidamada ururka 8aad ee guutada saddexaad oo degan sladhigga Laanta Buuro, waxaana al sheegay in jidgooyo loo dhigay kooxdii Alshabaab ay ku dhaceen iyadoo la dilay dhammaan 4 dabley ah, lagana qabsaday hubkii iyo gaadiidkii ay wateen.

Maleeshiyadan ayaa dadka degaanka sheegeen inay si joogto ah weerarro ugu qaadi jireen jidka isku xira  Afgooye iyo Muqdisho oo dad badan ay ku dileen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON