Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in lix dagaalame oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay mid kalena lagu qabtay weerar ka dhacay degaanka Jirole ee maamulka Gaaris, Waqooyiga Bari ee Kenya.
Guddoomiyaha Waqooyi Bari ee Gaarisa Nicholas Ndalana ayaa sheegay in ciidamada in gaaarka ah ee Kenya ay dileen lix alshabaab ah, mid kalana ay nolosha ku qabteen, kaasoo dhaawac ah, wuxuuna intaas ku daray in weerark uu dhacay aroortii saaka, iyadoo la rumeysan yahay in qaar kale ay baxsadeen.
Degaanada hoos yimaada Gaarisa ayaa waxaa hore uga dhacay weerarro is daba joog ah oo Alshabaab ku qaadeen, waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo Alshabaab ay Mandera ku dileen laba qof, laba kalena ka afduubteen kadib weerar ay ku qaadeen gaadiidka ka shaqeeya Nairobi iyo Mandhera.
Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay dhinaca Alshabaab, iyadoo qaar ka mida sawirrada maleeshiyada la dilay iyo midka la qabtay ay baahiyeen warbaahinta Kenya.