Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay in maleeshiyo beeleed kala taabacsan qaar ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha K/Galbeed lagu arkay xaafadaha magaaladaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyadan ay intooda badan yihiin qaar taabacsan Wadaadka Mukhtaar Roobow Cali oo hore uga tirsanaa Alshabaab, waxaana ka mida maleeshiyo uga yimid Gobolka Bakool iyo qaar ka mida ciidamada maamulka K/Galbeed oo ku heyb ah.
Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka taagnaa muddooyinkii ugu danbeeyay xaalad ka dhalatay dib u dhigista doorashada madaxweynaha maamulkaasi iyo diidmo looga horjeedo qorshe ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in musharax ay wadato ku soo baxdo doorashadaasi.
Waxaa xaaladda uga sii daray Ciidamadii ay geysay dowladda Soomaaliya halkaasi, waxaana laga digayaa in doorashadii K/Galbeed ay isu bedesho colaad iyo isku dhac, kadib ciidamo kala duwan iyo maleeshiyo buux dhaafiyey magaaladaasi.