Thursday, July 17, 2025

Maleeshiyooyin kala taageersan shirkado Turki ah oo ku dagaalamay Magaalada Muqdisho

Wararka laga ka heleyo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in  degmada Wadajir uu dagaal ku dhex maray ilaalo laba shirkadood oo Turki ah, agagaarka WarshaddaNac-naca ee duleedka Muqdisho, dagaalkaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

dagaal

Dadka degaanka  ayaa sheegay  in dagaalkan oo ah mid ku cusub magaalada Muqdishi uu ka dhashay markii ay is-qabteen laba Masuul oo kala Maamula Shirkado  Turkiga laga leeyahay o degaankaasi ka wada dhismooyin waaweyn, waxayna isku heystaan qandaraas dhisme ah oo laga fulinayo dhul dacalka ku haya xeebta badweynaha India ee duleedka degmada Wadajir.

Xiisada dagaalka ayaa weli taagan,  waxaana halkaasi gaaray ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir si ay xaalada u qaboojiyaan.

Waa markii ugu horeysay ee dagaal shirkadeed oo lug ku leh Turkiga uu Muqdisho ka dhaca, waxaana degaanka dagaalkani ka dhacay ka socda dhismooyin iyo mashaariic waaweyn oo aan la ogeyn waxa ay yihiin.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON