Thursday, July 17, 2025

Mareykanka deeq 1 milyan oo doolar Puntland u soo mariyay dowladda Soomaliya (Akhri xogta)

Xafiiska Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan arrimaha sharci-fulinta caalamiga ah iyo la-dagaalanka daroogada, ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday dowladda federaalka ah Soomaaliya, heshiiskaasi dhigaya  maamulka Puntland laga taageero dhinacyada tababarka ciidamada Booliska iyo ka-hortagga argagixisada.

Boolis-carmo

Heshiiskan ayay dowladda Soomaaliya saxiixday in loo ogolaado hal milyan oo dollar oo ka mid ah lacagta xafiiskan oo lagu magacaabo (Bureau of International Narcotics and Law Enforcement Affairs – INL) in loo qoondeeyo  tababarada ciidamada booliiska iyo la dagaalanka argagixisada ee  maamulka Puntland.

Barnaamijkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay in lasii wado ballaanqaadka xafiiska INL ee ku aaddan dadaallada gobolka ee ku aadan booliiska iyo la dagaalanka argagixisada. Wuxuuna ka dambeeyay kadib markii heshiis noocan oo kale ah xafiiskan la saxiixday Booliska Soomaaliya. (Akhri Warkan)

Puntland ayaa markii heshiiskaasi Muqdisho ka dhacay waxay dacwad u qortay Xafiiska  Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan arrimaha sharci-fulinta caalamiga ah iyo la-dagaalanka daroogada iyadoo ka dalbaneysa in taageero la mida tan Muqdisho la siiyo, waxaana markaas kadib codsigaasi uu Mareykanka shardi uga dhigay in dowladda Soomaaliya u soo marto, arrintaas oo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid fududeeyay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON