Xoghayaha Ururka IGAD Maxbuub Macalim iyo Agaasimaha Waakaaladda horumarinta Mareykanka Bariga Afrika Carlin freeman ayaa magaalada Jabuuti ku kala saxiixday heshiis Deeq lacageed oo dhan $ 17 Milyan oo ay Washignton u fidisay IGAD.
Waxaa deeqda lacagta ah ee la siyay IGAD, loogu tala galay in lagu maalgeliyo wax soo saarka beeraha, kaabayaasha kale ee dhaqaalah , bay’adda, isdhaxgalka, horumarinta bulshada iyo amniga ee dalalka IGAD.
Munaasabada saxiixa heshiiskaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Jabuuti Tom Kailey iyo la taliyaha Qaanuunka ee Wakaalada horumarinta Mareykanka iyo masu’liyiin ka tirsan Xukuumada Jabuuti.