Sunday, June 22, 2025

Mareykanka oo Duqeyn ka fuliyey Kunya-Barrow & Alshabaab oo shaacisay in Haweeney shacab ah lagu..

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika iyo dowladda Somalia ayaa shaaciyey inay duqeyn cirka ah oo ay wadajir u fuliyeen ay ka dhacday degaanka Kuunya-barrow ee Gobolka SH/hoose.

War-saxaafadeedyo ay soo kala saareen Taliska AFRICOM iyo dowladda Somalia ayaa lagu sheegay in duqeyn lagu dilay xubin ka tirsan Alshabaab, taasoo ka dhacday degaanka Kuunya-barrow xalay, laakiin warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay in duqeyntaasi lala beegsaday Guri dad shacab ah deganaayeen.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay xubin ka tirsan argagixisada Alshabaab, iyadoo aanay wax qasaare ah kasoo gaarin dad rayid ah, halka qoraalka dowladda Somalia lagu sheegay in hubin ay sameeyeeyn DFS iyo Mareykanka lagu ogaaday inaysan jirin cid shacab ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymahan xagga Cirka ah ee la qaaday.

Ad

Dhinaca kale Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay in laba gantaal ay xalay ku dhaceen Guri ay deganaayeen qoys shacab ah oo degan degaanka Kuunyo Barrow, iyadoo ay ku dhaawacmay haweeney lagu magacaabo Seynab Abuukar oo heysata shan caruur ah oo la geeyay isbitaal halkaasi ku yaalla, iyadoo dhaawac kasoo gaaray lugta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON