Friday, June 27, 2025

Mareykanka oo ka hor yimid qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh, kana baaqsaday shirka Copenhagen

Dowladda Mareykanka ayaa noqotay dhinacii ugu horeeyay ee Beesha caalamka oo tallaabo ka qaatay khilaafka ka dhex taagan madaxda dowladda Soomaaliya. War laga soo saaray Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka laguna qoray website-ka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu caddeeyay in mooshinka codka kalsoonida loogu qaadayo xukuumadda inuusan u adeegeynin danaha dadka Soomaaliyeed.

Qoraalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo uu ku saxiixan yahay afhayeenka Jen Zaki ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku ka baaqsanayo ka qeybgalka shirkii hiigsiga cusub ee toddobaadka soo socda ka dhici lahaa magaalada Copenhegan, tanina waxay dhabarjab weyn u tahay dowladda Soomaaliya iyadoo ka tarjumeysa sida Mareykanku u diidan yahay siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ku socdo.

Beesha caalamka oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Q/Midoobay, iyo dalalka waaweyn sida Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa si toos ah ugu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh inuu joojiyo mooshinka uu abaabulay lana shaqeeyo Ra’iisal wasaaraha, taladaas oo uu si cad u diiday Madaxweynaha, waxayna muuqataa in taageeradii beesha caalamka ee madaxweynaha iyo guud ahaan dowladda istaagi doonto.

GOOBJOOGE.COM
MUQDISHO

[ad name=”HTML”]

U.S. Deeply Concerned With Political Turmoil in Somalia
Press Statement
Jen Psaki
Department Spokesperson
Washington, DC
November 10, 2014

The United States notes with concern the recent political turmoil in Somalia. Actions to put forward a parliamentary motion for a vote of no confidence in the prime minister do not serve the interests of the Somali people. The United States remains neutral in the dispute between the president and prime minister. We are committed to the principles of the New Deal Compact which aims to build a sovereign, secure, democratic, united, and federal Somalia.

Because Somalia’s leadership is distracted with political division, the United States currently does not see the utility in sending a delegation to the High Level Partnership Forum on Somalia, which will meet next week in Copenhagen to review progress under the New Deal. We stand with the international community in urging the Federal Government of Somalia to implement fully its Vision 2016 plan and rise above the political differences that divert from the important work of unifying the country under a federal framework.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON