Mareykanka ayaa codka diidmada qayaxan ee VETO u adeegsadya inuu ku hor istaago Qaraarka ay soo diyaarisay Kuwait oo Golaha Ammaanka soo saari lahaa kaasoo ku baaqayey badbaadinta shacabka Falastiin.
Mareykanka ayaa si cad u diiday Qaraar isagoo adeegsada codkiisa VETO, kana hor istaagay golaha ammaanka Q/Midoobay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka Falastiin oo ku hoos nool Gumeysiga Yuhuudda.
Qaraarkan qabyada ah oo ay diyaarintiisu ka dambeeyeen waddamada carabta, ayaa waxaa lagu qeexay adeegsi awoodeed oo aan iisu dhigmin loona meel dayin oo ay Israa’iil u adeegsato shacabka Falastiin.
Mareykanka ayaa ah dalka sida weyn u difaaca dembiyada ay Yuhuudda ka gasho dadka Falastiin, wuxuuna hor istaagay ilaa 80 Qaraar oo ku saabsan Falastiin, isagoo Israa’ii ka difaaca in lal xisaabtamo.
Toban dal oo ay ka mid yihiin Fransiiska Shiinaha iyo Ruushka ayaa meel marinta qaraarkaasi u codeeyey, halka ay afar dal oo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Ingiriiska ay ka aamuseen.
Danjiraha Mareykanka Nikki Haley, ayaa waxay qaraarka ku tilmaantay “mid hal dhinac u xagliyo”. Qaraarka uu sida cad uga soo horjeesatay Mareykankana waxaa si weyn u cambaareeyey dowladda Kuwait iyo maamulka Falastiin.