Friday, June 27, 2025

Mareykanka oo shaaciyay ciddii loo waday hubkii lagu qabtay Dooni ku socotay Somalia

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Hubkii ay ciidamada Australia ku qabteen xeebaha dalka Cumaan ee la sheegay inuu u socday Soomaaliya, laakiin Mareykanka ayaa shaaciyay in hubkaasi u socday dalka Yemen oo loo waday kooxda Xuutiyiinta ee dalkaasi ka dagaalanta.

Sida uu baahiyay telefishanka  NBC ee dalka Mareykanka, waxaa hubkan waday Dooni laga leeyahay dalka Iiraan ayna saarnaayeen shaqaale Iiraaniyiin ah, iyadoo ay qabteen ciidamada Badda Australia guutada lagu magacaabo HMAS Darwin oo Markabka ka qabtay  meel 200 oo mile u jirta xeebaha dalka Cumaan.

Ciidamada Australia ma bixin wax faahfaanin ah oo ku saabsan halka hubkaasi u socday waxayna soo bandhigeen cadadka hubka. Saraakiil Mareykan ah ayaa laga soo xigtay in Doontaasi ay ka timid dalka Iiran una socotay dalka Yeman.

Hubka saaran Doonta ayaa gaaraya 1989 qori oo Ak-47 ah, 100 gantaalada gacanta laga gano ah ee Baasukaha, 49 PKM iyo 60 hoobiye.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON