Dowladda Mareykanka oo hormuud ka ah qorshaha qorshaha dhismaha ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo isku dhafka ciidamada ee ka socda dalka ayaa dardar gelineysa arrintan iyadoo xubno arrintan u xil saaran ay ku sugan yihiin Muqdisho iyo Kismaayo ay waxaa maanta Muqdisho soo gaaray wafdi oo ka socda dalka Mareykanka.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta qaabilay wafdigaasi oo ay hogaamineysay Katie Wheelbarger oo ah Agaasimaha Siyaasada ee Aqalka sare wakiilada, una qaabilsan arrimaha ciidamada. Kulanka waxaa kaloo ka qeyn galay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini.
Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha isku dhafka ciidamada ee dowladu wado tababarka iyo xaaladda ammaanka dalka. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii loo kordhin shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda Gaashaandhigga.
Cumar C/rashiid ayaa uga mahad celiyay dowladda Mareykanka taageerada yihiin dowladda Soomaaliya. wuxuuna ka hadlay baahida weyn ee loo qabo in la helo ciidamo milateri qaran oo xoog leh.
“Qorshaha isku dhafka ciidamada xoogga dalka heer fiican ayuu marayaa, waxaana haatan tababaro uga soconayaan xeryo kala duwan oo ku yaala gobolada dalka, waxaana rajeyneynaa in qorshahani guuleysto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cadirashiid Sharmarke.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]