Dowladda Mareykanka ayaa maanta shaacisay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS ama Daacish.
Shirkadahan xayiraadda lagu soo rogay iyo dadkan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Filibbiin iyo Turkey, ayaa lagu eedeyay in uu xiriir ganacsi dhex maray kooxda Daacish iyo shirkadahan.
Waaxda lacagaha Mareykanka ayaa Shirkadaha Soomaaliga ah ee ay xayiraadda saartay waxay kala yihiin Liibaan Trading iyo Al Mutafaq Commercial Company iyo milkiilaha shirkadda oo lagu magacaabo Maxamed Mire Cali Yuusuf, iyadoo taas loo aaneeyay doorkiisa ku aaddan taageerada ISIS ee Soomaaliya.
Waaxda lacagaha Mareykanka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar, oo lagu eedeyay inuu dhaqaale iyo agabba ugu deeqay kooxda ISIS ee dalka Filibbiin.
Waxa sidoo kale cuna-qabateyn lagu soo rogey Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik ee fadhigeedu yahay Turkiga, kaas oo lagu eedeyay in uu qeybo ka mid ah diyaradaha iswada uu u fududeeyay ISIS.