Markab dagaal oo Iiraan leedahay ayaa duqeeyay markab kale oo nooca dagaalka ah xilli uu socday tababar iyo dhoolatus milateri arrin lagu sheegay inay ahayd khalad farsamo oo dhacay.
Shilkan oo markii hore la sheegay inuu ku dhintay hal askari, ayna ku dhawaacmeen dhowr kale ayaa wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in askar badan oo gaareysa 19 askari ay ku dhinteen markabka dagaal ee la duqeeyay.
Telefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in mid ka mida maraakiibta dagaalka Iran oo lagu magacaabo Jamaran uu quusiyey Markabka kale ee Konorak oo ay isla iiraan leedahay xilli uu socday ciyaarsiis milateri oo lagu tijaabinayay gantaal cusub oo ciidamada Badda Iiraan leeyihiin.
Shilkan oo ka dhacay Gacanka Hormuz ee Badda Cumaan ayaa dhaliyey geerida 19 askari oo ka mida ciidamada Badda Iiraan, waxaana ku dhaawacmay 14 askari oo kale.
