Marwada koowaad Madaxweynaha Soomaaliya Qamar Cali Cumar ayaa goor dhoweyd deeq lacageed oo dhan 20-kun oo doolar ($20, 000) ku wareejisay Guddiga taakuleynta abaaraha oo magaalada Muqdisho ka wada olole lacag loogu ururinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku waxyeeloobay.
Lacagta ay ku deeqday Marwada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ahayd lacag Kaash ah oo guddiga ay gaarsiiyay haweeney wakiil ka ahayd Marwada Madaxweynaha Soomaaliya. Lacagtan ayaa guddiga lagu wareejiyay iyagoo fadhiyay mid ka mida idaacadaha Muqdisho oo ay olole lacag ururin ah ka wadeen.
Sheekh Nuur Baaruud (Gurxan) ayaa sheegay inuu aad ugu mahad celinayo Marwada Madaxweynaha, wuxuuna sheegay in hadda xaaladu mareyso naf badbaadin, loona baahan yahay in marwooyinka dadka madaxda ah ay qaadaan dariiqa marwada madaxweynaha.
Marwo Qamar Cali Cumar ayaa iyaduna sheegtay in cid waliba looga baahan yahay gurmadka dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ayna ugu baaqeyso in cid waliba wixii ay awoodo ugu deeqdo walaalaheed.
Goobjooge.com