Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dib loo bilaabay kadib markii uu laba bilood ka badan hakad ku jiray ayaa maanta la soo hordhigay qodobo ku saabsan qaabka loo xalin karo khilaafka soo noqnoqday ee madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarayaasha.
Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, waxaana warbixintan soo jeediyay Guddiga Dib u Eegista Dastuurka oo Baarlamaanka ka hor akhriyay Qodobo ay soo diyaariyeen.
Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo guddiga madax u ah ayaa Baarlamaanka u sheegtay in la qaato:
- Madaxweyne Sharafeed aan awood lahayn iyo Ra’iisal wasaare xoog leh oo madaxweynuhu eryi karin, kaasoo ka imaanaya xisbiga ugu codka badan.
- Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen Baarlamaanku soo doortay, awooduna leeyahay Madaxweynaha oo aan lahayn Ra’iisal wasaare.
DHAGEYS XILDHIBAAN MARYAN CARIIF
Arrinta dib u eegista Dastuurka ayay madasha sare dib ugu dhigtay Baarlamaanka 10-aad ee dhowaan la soo xulayo, iyadoo guddiga xildhibaan Maryan Cariif ka tahay guddoomiyaha tallooyinkiisa ku wareegi doonaan Baarlamaankaasi.
Goobjooge.com