Tuesday, July 1, 2025

Mashaariicda la furayo Xuska Sanadguurada 60-aad ee xoriyadda Somalia oo la shaaciyey (Akhriso)

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay mashaariicda xariga laga jarayo ee lagu maamuusayo 60 Guurada xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya oo ku beegan 26 June iyo 1-da July 2020.

Wasiir warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradiisa ayaa sheegay mashaariicda laga hirgelin doono magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka oo madaxda dowladda ay furi doonaan si loogu maamuuso 60-guurada xoriyadda dalka.

Mashaariicdaasi oo u badan xarumo waaweyn oo dayactir lagu sameeyay kadib dowladii Kacaanka iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay 1991-kii, waxay kala yihiin:

1- Tiyaatarka Qaranka

2- Madxafka Qaranka

3- Maktabadda

4- Garoonka weyn ee Stado Muqdisho

5- Fagaaraha Midnimada oo laga hirgeli doono xarunta Baarlamaankii hore

6- Beerta xorriyadda oo laga hirgeli doono degmada Waaberi

7- Guryihii Wakaaladda kaluumeysiga

8- Beero lagu nasto iyo goobo kale oo waxbarasho oo laga hirgeli doono gobolada dalka.

Guddiga qabanqaabvda 60 guurada xoriyadda Soomaaliya ayaa la sameeyay lix bilood ka hor munaasabaddaasi, waxaana xuskeeda la sheegay inuu ku baxayo kharash ku dhow Hal Milyan oo Doolar.

Image result for maktabadda qaranka
Image result for maktabadda qaranka
Image result for stadio muqdisho
Image result for stadio muqdisho

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON