Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya iyo Kooxo hubeysan ay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dileen sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya, kana howlgeli jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho oo magaciisa lagu sheegay Ciise Maxmed Beyle.
Mas’uulkan ayaa la sheegay in lagu dilay Xaafadda Nasteexo ee Degmada Wadajir oo ka mida xaafadaha dilalka qorsheysan ka dhacaan, waxaana fuliyay koox dabley ah oo markii ay falka dilka ay filiyeen kadib goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan ku degmada Wadajir iyo dowadda Soomaaliya ayaa goobta tegay kadib markii dilku ka dhacay, mana jirin cid loo qabtay falkaasi.
Al-shabab ayaa marar badan sheegtay inay ka danebysay dilalka noocan oo kale ah.
Goobjooge.com