Monday, July 14, 2025

Mas’uul ka tirsan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo meydkiisa laga helay Hotel ku yaala Nairobi

Mid ka mida shaqalaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada Nairobi.

Marxuum Maxamed Yuusuf Aadam oo ahaa ku-xigeenkii Xog-hayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi. Waxaana saaka meydkiisa laga helay Hotelkii uu ka deganaa magaalada Nairobi iyadoo aan wax faahfaahin  laga helin sababta geeridaasi.

Ku-xigeenkii Xog-hayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inuu howlo  shaqo u joogay magaalada Nairobi oo aanu qabin wax cudur ah, waxaana la filayaa in baaritaaan lagu sameeyo.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madax kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa tacsi u diray ehelada Marxuumka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON