Lix ka mida mas’uuliyiinta Waaxda canashuuraha Dekada Weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa la xiray iyadoo sidoo kale ama xarig ah oo karay agaasimaha Furdada oo aan weli gacanta lagu soo dhigin.
Xubnaha la xiray ayaa waxaa ku jirta Maamule ku-xigeenkii Kastamka Canshuuraha Dekadda Muqdisho oo ah Haweeney iyo shan kale oo rag ah oo xafiiskaasi ka tirsanaa, waxaana la sheegay in raadinayo Maamulihii Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow oo loo jaray barwadii lagu xiri lahaa.
Ciidamada dambi baarista ayaa la wareegay xafiiska kastamka canshuuraha Dekeda Muqdisho, iyagoo saacado baaritaan ku hayay xafiiska, isla markaana gebi ahaanba joojiyay shaqadii ka socotay.
Mas’uuliyiintan ayaa la sheegay in lagu soo eedeeyay arrimo musuq ah, iyadoo uu baaritaan ku socday muddooyinkii ugu danbeeyay, waxayna wararku sheegayaan in xeer ilaalinta ay dacwad ku so oogtay, kadibma maxkamadda Gobolka Banadir ay amartay in la soo xiro.
Arrintan ayaa qeyb ka ah olole ku socda mas’uuliyiin kala duwan oo loo heysyo inay ku kaceen musuqmaasuq, inkastoo aanay weli jirin mas’uul lagu qaaday xukun Musuq ah oo lagu soo caddeeyay .