Wednesday, June 25, 2025

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo loo xiray lunsiga lacagihii gargaarka Abaaraha [Magacyada]

Wararka laga helayo Magaalada Marka ee  xarunta Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsanaa Guddiga Gurmadka Abaaraha ee maamulka Koonfur Galbeed xabsiga la dhigay.

Xubnahan ayaa lagu eedeeyay inay lunsadeen lacagtii loogu dhiibay  dadka abaareysan ee Koonfur Galbeed ku sugan oo ka timid Guddiga Gurmadka ee ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha ka mida Guddiga ay ku xiran yihiin saldhigga Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ku yaalla deegaanka Ceel-jaalle.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta xabsiga la dhigay ay ka mid yihiin: Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed  Xasan Shiine oo ka mida Guddiga Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed, waxaa kaloo la xiray Wasiirka Gargaarka Iyo Naafadda Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Muuse.

Labadan mas’uul ayaa hore loogu wargeliyay in lacagtii loo dhiibay haddii ku keeni waayaan muddo laba maalmood gudahood ah la xiri doono, ayna weyn doonaan xilalka ay k hayaan maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON