Waxaa soo baxaya warar la la iska dhex marayo oo ku saabsan in duqeyn ay ciidamada Mareykanka ku qaadeen degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay Amiirkii kooxda Alshabaab Axmed Diiriye ( Abuu Cubeyda).
Weeraran oo xogta laga helay ay aad u yar tahay, isla markaana wax faahfaahin ah aan laga bixin ayaa wararka qaarkood oo aanay ilaa iminka cidna xaqiijin sheegayaan in mid ka mida weerarada lagu qaaday Saakow oo ay fulisay diyaarad is wada (Drone) lagu bartilmaameedsaday gaari uu la socday amiirka Alshabaab.
Axmed Diiriye oo xilka kala wareegay Cabdi Axmed Godane oo isna Mareykanku ku dilay weerar dhinac cirka ah, ayaan la ogeyn xaqiiqada warkan, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku saabsan arrintan.
Goobjooge.com