Tuesday, June 24, 2025

Maxaa ka jira in Af-hayeenka Madaxweynaha qarka u saaran yahay is-casilaad..?

Warar kala duwan ayaa laga faafiyay  afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo dhowaanahan  warbaahinta qaarkeed siiba mareegaha internetka ay faafinayeen  inuusan ku qanacsaneyn xaaladiisa shaqo, lana filayo inuu is casilo.

Daa'uud Aweys Jaamac
Daa’uud Aweys Jaamac

Wararka la faafiyay waxaa ka mid ahaa in khilaf dhex maray afhayeenka  iyo Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud. Baaris kadib waxaa la soo xaqiijiyay in wararkaas laga faafiyay Daa’uud Aweys ah been abuur ahaayeen oo aanay waxba ka jirin arrimahaas oo kadib sida uu sheegay Afhayeenka laf ahaantiisa.

Daa’uud Aweys oo xilka loo magacaabay bishii December ee sanadkii 2014, wuxuu ka mid ahaa weriyeyaasha ugu kartida badan haddana ugu degan, wuxuuna go’aankii uu ku qaatay inuu dhinaca siyaasadda u wareego uu ahaa mid geesinimo leh oo ku adag.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys wuxuu ka mid yahay weriyeyaal fara badan oo afhayeeno u noqday maamulada, xukuumadda Federaalka iyo Wasaaradaha dalka ka jira.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON