Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya dagaalkii Khamiistii shalay ka dhacay degaanka Ceel Qooxle ee degmada Moqokori, Gobolka Hiiraan, kaasoo qasare badan geystay.
Warbaahinta ciidamada Dowladda ayaa sheegtay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, dhaawac culus uu kasoo gaaray Afhayeenka guud ee Alshabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), isla markaana dhaawiciisa oo ahaa mid culus loo qaadayn degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Waxay kaloo Warbaahinta Ciidamada Xoogga Dalka sheegtay in Dagaalkii Ceel-qooxle lagu dilay horjooge lagu magacaabo Qoorgaab oo Alshabaab u qaabilsana ciidmada loo yaqaan jabhadda ee fadhigoodu yahay Gobollada Shabeelada Dhexe iyo Hoose.
Ma jirto cid xaqiijin karta dhaawaca ama geerida Afhayeenka Alshabaab oo dhowr jeer hore loo sheegay in la dilay ama la dhaawacay, balse ay beenowday. waxaana ay qeyb ka tahay dagaalka Warbaahinta ee labada dhinac ay sii xoojiyeen.
