Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Safiirkii dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsanaa Soomaaliya oo la sheegay in la bedelay.
Safiir Maxamed Alcusmani oo ka mid ahaa diblomaasiyiinta Soomaaliyoobay oo si weyn ugu dhex milmay siyaasadda Soomaaliya ayaa Muqdisho ka maqnaa muddo bilo ah, wuxuuse ka mid ahaa dibomaasiyiintii ka qeybtalay xafladii caleemosaarka madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Goobjooge.com ayaa ogaatay inaysan jirin isbedel rasmi ah oo lagu sameeyay safiirka, isla markaana aan la ogeysiin dowladda Soomaaliya, inkastoo howsha safaaradda ee Muqdisho uu sii waday ku xigeenkiisa.
Safiirkan ayaa Imaaraadka Carabta ka dhigay dowlad ka mida ugu waaweyn ee faraha kula jira xaaladda Soomaaliya. Wuxuuna xiriiro dhow la sameystay maamul goboleedyada dalka, iyadoo taageero dhaqaale iyo mid milateri siiyay maamulada dalka.
Dowladda Imaaraadka ayaan heli doonin diblomaasi Soomaaliya uga aqoon badan Soomaaliya Maxamed Alcusmani, waana nin asalkiisu yahay Yeman oo howlgalkiisa Soomaaliya uu ka baxsan yahay Diblomaasi caadi ah ama safiir.
Goobjooge.com