Waxaa sii xoogeystay jiritaanka qorshe in muddo ah la hadal hayey oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso inay maamul cusub u dhisto maamulka Jubbaland, kaasoo barbar socda kan Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo.
Arrintan ayaa sii xoogeysatay markii ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ay xalay soo saartay habraac lagu dooranayo Baarlamaankii labaad ee Jubbaland iyo Madaxweyne maamulkaasi yeesho, waxayna wararku sheegayaan in Gobolka Gedo laga dhisi doono maamulka cusub ee Jubbaland, kadib markii dowladda Federaalka ay ku guuldarreysatay inay saameyn ku yeelato doorashadii Jubbaland ee dib loogu doortay Axmed Madoobe,
Qorshahan cusub ayaa la doonayaa in lagu soo gabagabeeyo inta aanu dhammaan sanadkan oo ay ka ka harsan yihiin wax ka yar 3 bilood, iyadoo maamulka labaad ee Jubbaland ay xaruntiisa la filayo inay noqoto magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Guddi gaara oo madaxweyne Maxamed C/llaahi u xil saaray arrinta Jubbaland oo ku fashilmay inay saameyn ku yeeshaan Dorashadii Kismaayo ka dhacday ayaa hadda la yimid qorshahan cusub oo hore looga caga jiidayey, laakiin hadda sii xoogeystay.