Monday, July 14, 2025

Maxaa ka jira in Gen. Gabre laga eryay Shaqadii uu ka hayay Urur Goboleedka IGAD..? [Akhriso]

Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Gen. Gabre laga eryay xilkii uu ka hayey urur Goboleedka IGAD, kaddib markii baraha bulshada lagi faafiyey Qoraal la sheegay inuu ka soo baxay Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin.

Qoraalka ayaa waxaa ku cad nin magaciisa lagu sheegay Gabregzabher Alemseged  oo ahaa La-taliyaha dhinaca siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD,  in shaqadiisii uu ka hayey urur Goboleedka IGAD la baab’iyey.

Col. Gabre oo ah Sarkaal Itoobiyaan Soomaaliduna aysan u aqoon magac ka baxsan Gabre ayaa qoraalka la faafiyey  uu yahay mid aan lahayn shaabad, isla markaana weli la sugayo inuu  aqiijiyo urur goboleedka IGAD.

Ka sokor xilka qoraalka la faafiyey iyo sida Soomaalidu u taqaan kala duwan yihiin sida Colonel & Jeneraal. ayaa haddana magaca hore ee isla warqada lagu qoray uu kala duwan yahay.

Soomaalida ayuu si weyn magac aan fiicneyn ugu yeeshay Gabre, iyadoo uu qeyb ka ahaa ciidamadii Itoobiya ee Muqdisho qabsaday sanadkii 2007.

HOOS KA AKHRI QORAALKA
No automatic alt text available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON