Warar laga helay qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa sheegaya inay mooshin ka wadaan Madaxweynaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay bilaabeen inay qoraan mooshin xil ka qaadis ah.
Xildhibaano ka badan 50 ayaa is abaabulay si ay Shariif Xasan qalalaase siyaasadeed u geliyaan, waxaana xildhibaanadan ay ka mid yihiin kuwii taageersanaa musharixii guddoomiyaha Baarlamaanka ee laga guuleystay ee Cusmaan Cali Xasan.
Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa ku doodaya in Mooshinkoodu yahay mid lagula xisaabtamayo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku eedeynayaan inuu isku koobay awooda Maamulka Koofur Galbeed.
Baarlamaanka Koonfur Galbeedo oo kaliya jira muddo Bil ah ayaan la ogeyn qaabka mooshinkan u socodsiin karo, waxaana Baarlamaanka ka tirsan tirada ugu badan maamul goboleedyada oo dhan ku dhowaad 150 xildhibaan.
Goobjooge.com