Waxaa soo baxay warar sheegaya in Turkiga uu waanwaan ka dhex bilaabayo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, taasoo ku saabsan xal u helidda Kiiska Dacwadda Badda ee ay isku heystaan labada dal.
Xogta warkan waxaa baahisay barta wargeyska Africaintelligence ee xarunteedu tahay Faransiiska, taasoo lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha dibadda Turkey Mevlut Cavusoglu la filayo inuu booqasho ku tago Muqdisho iyo Nairobi bisha Maarso 2021, isagoo la kulmi doono madaxda labada dal.
Wargeysk Faransiiska wuxuu warbixintiisa ku sheegay in Madaxweynaha Turkiga oo markan isku qaaday inuu dhexgalo dhexdhexaadinta dalalka Somalia iyo Kenya oo ay u dhaxeyso dacwad ku saabsan xuduudka badda oo taalla maxkamadda Cadaaladda ICJ.
Turkiga oo xuduud dhinaca Badda ay ay isku heystaan dalak Greece ayaanay suuragal ahayn inuu waanwaan ka galo kiis dacwad ku saabsan xuduud badeed ay isku heystaan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo xilliga booqashada dhaceyso ay ku dhowdahay xilliga Maxkamada ICJ u fariistan doono dacwadda ugu danbeysa ee Kiiskan.
Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kumana jirin dalal dhowr ah oo hore isku dayey inay Soomaaliya ku riixaan waanwaan ay la gasho Kenya si is-faham looga gaaro kiiska dacwadda xuduudka Badda.
