War kasoo baxay Maamulka Jaamacadda Umadda ayaa lagu beeniyey warar laga faafiyey xiriirka u dhaxeeya Jaamacadda iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee xilka sii heysa Dr. Fowsiya Abiikar Nuur.
Warkan oo ku saabsanaa in Wasiiradda ay arday kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Umadda ee Dowladda ka tirsan ay ka hor istaagtay iney layli (practicum) ku sameeyaan cisbitaalada dawladda ayey jaamacadu sheegtay inuu yahay been abuur aanay waxba ka jirin.
“Waxaan ummada Soomaliyeed la wadaageynaa inay been abuur tahay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo dad dano gooniya ka leh ay ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada, Dr. Fawisiya Abikar ay arday kulliyadda Caafimaadka ka hor istaagtay iney layli (practicum) ku sameeyaan cisbitaalada dawladd ay wasaaraddaasi maamusho. Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), waxay ummadda Soomaliyeed u caddeyneysaa in Dr. Fawsiya ay JUS la leedahay xiriir aad u qotadheer oo marna aysan suuragal ahayn in xirirkoodu xumaado” ayaa lagu yiri qoraalka Jaamacadda oo lagu saxiixay xafiiska Warbaahinta.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa caddeysay in wararka lagu faafiyay baraha bulshada ay ka dambeeyeen dad dano gooniya ka lahaa oo ku been abuurteen magaca Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Sharcigana la tiigsan doonto haddii haddii aysan arrimahaasi ka waantoobin.