Wednesday, June 25, 2025

Maxaa ka run ah in Xasan Sheekh kulan qarsoodi ah la yeeshay Benjamin Netanyahu?

Warkan oo ay hore u baahiyeen qaar ka mida website-yada Soomaalida wuxuu gebi ahaantiisba ku wareegayaa xubno ka tiran Madaxtooyada Soomaaliya oo aan la magacaabin.

Xoghaynta Madaxweyne Xassan ayaa la sheegtay in uu safar qarsoodi ah ku tegay bishii lasoo dhaafay magaalada Tel aviv, halkaasi oo uu  kula kulmay Ra;iisal wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu.

Wargeyska Times of Israel ayaa hada qoraya inuu isna warkan ay u xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka Villa Somalia iyo xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna sidoo kale jariiradaasi qortay in kulanka Xasan iyo Netanyahu uu ka horeeyey kulamo kale oo qarsoodi ah oo dhexmaray saraakiil ka kala socotay labada xafiis ee hogaamiyayaashaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada ee Isra’iil Mr.Dore Gold oo ay jariiradan wax ka weydiisay kulankan ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, isla markaana diiday inuu xaqiijiyo ama beeniyo inuu kulankaasi ka dhacay Tel Aviv. Times of Israel ayaa intaasi raacisay inay xog ku heyso in kulamo kale la qorsheeyey inay labada dhinac wada yeeshaan mustaqbalka.

Soomaaliya ayaan wax xiriir diblomaasi la lahayn Israa’iil sida dalal badan oo Muslim iyo Carab ah, waxayna ahayd siyaasad muddo dheer soo jirtay oo Soomaaliya ay ku socotay, lamana oga sababta bedeeshay iyo danta Xasan Sheekh ka gashay Isra’aiil hadiiba warkan wax ka jiraam.

Halkan ka akhriso Maqaalka Times of Israel:

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON