Dowladda Kenya ayaa gabi ahaanba hawada ka saaray illaa 3 taleefishin oo ah kuwa gaarka loo leeyahay, kuwaas oo si toos ah u tabinayay xafladda caleemo-saarka madaxweynenimo ee hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga.
Boqolaal taageerayaal ah ayaa isugu tagay beerta Uhuru Park, halkaas oo la filayo in lagu dhaariyo Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Kolonso Musyoka. Waxayna arrintan ay xiisad ka dhalisay caasimadda Nairobi.
Taageerayaasha Mucaaradka ayaa burburiyey aargada weyn ee laga galo Uhuru Park oo uu ku xardhanaa magaca madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxayna ku qulqulayaan fagaaraha ay ka dhici doonto dhaarta Raila Odinga.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa taleefishinada uga digay in ay baahiyaan dhaarinta Raila kadib kulan maalmo ka hor ka dhacay madaxtooyadda.
Xeer Illaaliyaha guud ee Kenya ayaa isna ka digay in haddii la dhaariyo Raila ay ka dhigantahay qiyaano qaran.
Taleefishinada hawada laga saaray ayaa kala ah Citizen TV, NTV iyo KTN oo ah kuwa si gaar ah loo leeyahay. arrintan ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid aan caadi ahayn oo naadir ah. Caasimadda Nairobi, iskuulaadka qaar ayaa la xiray cabsi laga qabo rabshado ka dhaca magaalada.

Mar sii horeysay booliiska ayaa isku xeendaabay beerta Uhuru Park, balse markii dambe ayay firaaqeeyeen. Raila ayaa sheegay in uu isaga ku guuleystay doorashadii dhacday bishii Agoosto ee sanadkii hore.