Thursday, June 26, 2025

Maxaa ka socda Muqdisho: Wararkii ugu danbeeyay socdaalka Madaxweynaha Turkiga

Qabanqaabada soo dhoweynta madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan oo la filayo inuu maalinta Jimcaha ee beri yimaado Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho iyadoo calamada dalalka Turkiga iyo Soomaaliya lagu xardhay wadooyinka, lana adkeeyay ammaanka.

1

Inta badan wadooyinka Muqdisho ayaa la xiray, iyadoo la joojiyay socodka gaadiidka, waxaana istaagay dhaqdhaqaaqyadii shacabka iyadoo wadooyinka lagu arkayo ciidamo fara badan oo boolis iyo nabad sugid isugu jira.

Goobaha la flayo inuu furo madaxweynaha Turkiga ayaa laga dareemayaa inay howlo 24-ka saacadood ka socdaan dhameytir iyo qurxin degdeg ah sida Garoonka Diyaaradaha Aden Cade, Masjidka Isbaheysiga, dhismaha safaarada cusub ee Turkiga iyo Isbitaalka Digfeer.

 

Waxaa la joojiyay duulimaadyadii rayidka ee garoonka Muqdisho maalinta beri ah ee Jimcaha, waxaana kaliya garoonka u furan yahay diyaaradaha wafdiga madaxweynaha Turkiga. Maalmo ka hor waxaa Muqdisho soo gaaray boqolaal ciidamo Turki iyo saraakiil kala duwan oo ka socda dalka Turkiga, kuwaasoo hordhac u ahaa wafdiga madaxweynaha Turkiga.

 

Muuqaalka magaalada Muqdisho wuxuu aad uga duwan yahay sidii uu ahaa Jimcadii 19-kii August 2011 markaas oo wafdigii Ordogan oo ahaa Ra’iisal wasaare uu booqday. Xilligaas magaalada waxaa ka muuqday diiftii macaluusha iyo burburkii dagaalada, wadooyinka Muqdisho waxay ahaayeen kuwo aan la mari karin, waana tan keentay inuu Mr. Ordogan balan qaad ku bixiyo mashaariic ay dowladiisu ka sameyn doonto Muqdisho siiba dhismaha jidka isku xira Garoonka diyaaraha Muqdisho iyo Madaxtooyada.

Maanta waxaa marag ma doonto ah in Madaxweyne Ordogan iman doono isagoo balanqaadkiisii iyo wax ka badan laga fuliyay; indhihiisu qaban doonaan magaalo ka muuqaal duwan sidii ay ahayd 3 sano ka hor markii uu yimid isaga iyo qoyskiisii.

[ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?v=-jSyJyjcJS4″]

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

 

 

 

 

 

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON