Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geell ayaa maanra wadahadal kula yeeshay ah Qasriga Madaxtooyada magaalada Jabuuti.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer ay uga wadahadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka, qorshaha lagu dhimayo ciidamada AMISOM iyo arrimo kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah.
Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).
SAWIRRO





