Thursday, June 26, 2025

Maxaa ka soo baxay safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Imaaraadka Carabta..?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu soo dhameystay booqasho laba maalmood ah oo uu ku tegey dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa intii u halkaasi joogay kulan rasmi ah la yeeshay dhaxal sugaha dalkaasi iyo imaarada Abu Dhabi, Sheekh Maxamed Bin Zaayid Al-Nahyan oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda C/salaam Hadliye Cumar iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac (Jangeli), waxay kaloo kulan gaara la yeesheen Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Al-Gargaash.

Safarkiisa Imaaraadka Carabta ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay inuu ahaayeen safar  mira dhal ah oo qiimo weyn ugu fadhiya Qaranka Soomaaliyeed. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha  Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole, ururrada bulshada iyo mas’uuliyiin kale.

1unnamed\

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON