Shirka madaxda maamul Goboleedyada ee ka socda magaalada Kismaayo ayaa galay maalintii labaad iyadoo qodobbo hordhac ah ay isku afgarteen madaxda, qaar kalena la isku hayo.
Sida laga helayo ilo ku show shirka maamul goboleedyada uga socda magaalada Kismaayo waxaa shirka ilaa iminka looga dooday xiriirka maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka iyadoo khilaafaad dhinaca xiriirka dibadda iyo dhaqaalaha ay ahaayeen arrimaha ugu waaweyn ee laga dooday.
Arrimaha madaxda maamul goboleedyada ilaa iminka isku afgarteen waxaa ka mida:
1- In la dhiso Gole ay leeyihiin Madaxda maamul Goboleedyada
2- In Sanadkiiba mar kulmaan madaxda maamul Goboleedyada, caasimadaha maamul goboleedyaduna marba mid lagu shiro.
Qoddobo kale oo muddo qaatay, weliba aan go’aan laga gaarin waxaa ka mida:
3- Inay Maamul Goboleedyada sameystaan hoggaan xiriiriya, kaasoo qaabka uu noqonayo iyo cidda hoggaamineysa la isku hayo in laga dhigo mid wareeg ah iyo saddexdii sanadoodba mar.
4- In la sameeyo Dallad qaabilsan xalinta khilafaadka maamullda dhexdooda.
5- In Guddi loo saaro khilaafka madaxda maamul Goboleedka Galmudug
Shirka loo lagu wado in berri lasoo xiro ayaa ilaa maanta iyo caawa waxaa socday kulamo ku saabsan heshiis laga gaaro qoddobada harsan, iyadoo natiijada shirka lala wadaagi doono dowladda Fedeaalka, isla markaana la geyn doono baarlamaanadda maamul goboleedayda.
Goobjooge