Thursday, June 26, 2025

Maxaa kasoo baxay shirka Doolow ee Maamulka Juba & Siyaasiyiinta Gedo? (Sawiro iyo warbixin)

Degmada Doolow  waxaa weli ka socda  shir lagu heshiisiinayo hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo siyaaisyiinta gobolka Gedo. Shirkan oo Itoobiya ay soo qabanqaabisay ayaa socda in ka badan 48 saacadood iyadoo aanay weli ka soo bixin natiijo.

Doolow

Siyaasiyiinta gobolka Gedo ka soo jeeda ee shirkan ka qeyb galaya waxa ka mida:

Guddoomiyaha Ahlusunna  Maxamed Yuusuf Aw-libaax

Guddoomiyaha Gedo Maxamed Cabdi Kaliil

Maxamuud Sayid Aadan

C/raxmaan Maxamed Amiin

Cabdi Barre Shire

 

Waxaa dhinaca maamulka Jubba ka socda

Axmed Maxamed Islaam

C/llaahi Fartaag

 

Maxamed Faarax Warsame (Darwiish)

Cabdirashiid Xasan Janan

Xasan Daahir Yarow

C/rashiid Jire Qalinle

 

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe waxaa isna wehliya Jen. Darwiish iyo xubno kale oo wafdigiisa ka mid ahaa.

Arrimaha laga soo doodayo waxaa ka mida sida reer Gedo ay u taageeri lahaayeen maamulka Axmed Madoobe, laakiin waxaa shirka dhibaato weyn ku noqotay doorashada toddobaad gudihiis dhaceysa ee Axmed Madoobe lagu wado inuu ku soo baxo, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee muddo laba sano ah oo uu Gedo yimaado intii uu xilka hayay.

 

Dowladda Itoobiya ayaa cadaadis ku saareysa labada dhinac inay heshiis gaaraan, laakiin wararka laga helayo Doolow ayaa sheegaya in wadahadalku aad u adag yahay oo caqabado badan ay   hor taagan yihiin. Waxa kaliya oo shirka laga baahiyayna ay yihiin sawiro laga soo qaaday oo kaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA SHIRKA

IMG_8277IMG_8077IMG_8078IMG_8081IMG_8198IMG_8200IMG_8203IMG_8204IMG_8205IMG_8206IMG_8207IMG_8209

[ad name=”HTML”]

IMG_8243IMG_8248IMG_8264IMG_8277

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON