Madaxweynaha PuntalndC/weli Maxamed Cali (Gaas) wuxuu hore u soo noqday Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya
iyo wasiir ka tirsan xukuumadii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya, waxaa markaas uun laga keenay qurbaha iyo dalka Mareykanka si uu uga mid noqdo xukuumadda Maxamed C/llaahi Farmaajo.
C/weli Gaas wuxuu ka mid ahaa madaxda Soomaaliyeed ee Muqdisho ku maamuusnaa, isla markaana lahaa mid kamida awoodaha ugu waaweyn dowladda Soomaaliya ee kumeelgaarka ahayd, Wuxuu markaas ahaa mas’uul Qarab oo Soomaaliyeed. Sidaasoo ay tahay wuxuu tartankii doorashada Puntland ku galay inuu soo celinayo xiriirkii Puntland iyo dowladda Federaalka.
Waa aqoonyahan dad badan uga fadhiyeen inuu ka shaqeeyo midnimada iyo dib u soo celinta kalsoonidii burburtay ee dadka Soomaaliyeed, balse wuxuu u muuqdaa inay ku rumowday maahmaahdii Soomaaliyeed ee “FAQI TOLKII KAMA JANO TAGO”.
Wuxuu ka sii daray xaaladii siyaasaddda qabyaaladeysan ee Soomaalida maanta dhex taalla, kaaga sii darane waxay Puntland sheegataa inay tahay hooyada federaalka iyo maamul u taagan midnimada Qaranka, laakii falalka madaxdeeda waxay muujinayaan inay u shaqeynayaan kala irdheynta umadda.
Arrinta la yaabka leh waxay tahay in mar waliba oo uu Muqdisho yimaado C/weli Gaas uu hore u soo wato ilaalo kooban (Horin ciidan ah) oo diyaaradda la soo raacda..!!!!. Waxay ilaalada C/weli Gaas la yaab ka dhigeen laga soo bilaabo Aaskii Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo duleedka Muqdisho ka dhacay 7 Febraayo 2014.
Wixii markaas ka danbeeyay C/weli waxaa caasimadda uga soo horeeya horin ciidan ah oo aan ka harin kaliya marka uu caasimada imaanayo.
Safarkiisii ugu dnbeeyay ee maanta oo ugu dambeysay C/weli Gaas wuxuu hore u soo watay 10 askari oo ka mida ilaaladiisa, kuwaasoo diyaaradii ay UN-ka u dirtay la socday, kana soo hor maray markii ay Garoonka Muqdisho kasoo degaan, mana ahayn wax cusub ee waxay noqotay caado laga fisho madaxweynaha Puntland.
Dad badan ayaa is weydiinaya waxa ay horin ciidan ah (10 askari) ka tari karaan xaaladda ammaanka ee C/weli Gaas oo la dhex geeyay magaalo weyn..???. waxa kaliya oo la oran karaa waa is muujin iyo tusaale fool xun oo aan waxba soo kordhineynin. Maadaana aanay suuragal ahayn in 10 askari ay magaalada weyn ee Muqdisho ku dhex difaaci karaan odayga reer Puntland, haddiiba la damco in wax la gaarsiiyo.
Waxaa cad inaysan kalsooni darro ka ahayn C/weli Gaas falkan, balse ay ku kaliftay inuu sameeyo wax ka duwan madaxda kale iyadoo Puntland ku mashquulsan tahay muujinta kaalinteeda.
Madaxda maamulada kale ee Soomalida sida Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed ma qabaan xanuunka noocan oo kale ah oo dadka qaarkii u arkaan inuu yahay mid ku dhaca madaxda Qaran ee heerka gobol u xuub siibata.
Faaladda Goobjooge.com