Tuesday, June 24, 2025

Maxaa keenay inuu Wasiir Ceynte ka haro tartanka jagada xildhibaanada Aqalka hoose?

Maxaa keenay inuu Wasiir Ceynte ka baxo tartanka jagada xildhibaanada Aqalka hoose..?

Loolanka loogu jiro ka mid noqoshada xildhibaanada Aqalada sare iyo hoose waxaa hogaaminaya wasiirada xilka haya iyo xildhibaanadii hore oo in badan dib u soo laabanayaan, laakiin arrintu sidaa uguma socoto Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte.

Wasiir Ceynte oo jawaab kulul u diray odayaasha HawiyeWasiir Ceynte ayaa la sheegay in loolan hoose oo muddo qaatay kadib uu isaga haray inuu u tartamo xilka kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka ku leedahay jufadiisa, waxaana arrintan lagu micneeyay cadaadis soo wajahay.

Wasiir Ceynte iyo aabihii ayaa ka mida kooxd diimeedka siyaasadeed ee Aala-sheekh, waxayna ku tartamayaan kursiga Jufada Habar-Idinle ee Murusade oo ay loolanku ka dhaxeeyay wasiir ka  tirsan Galmudug oo ay saaxiibo yihiin madaxweyne C/kariin Guuleed laguna magacaabo Xuseen Iidow.

Dhibaatada ugu weyn soo wajahday C/raxmaan Ceynte ayaa ahayd iyadoo madaxweynaha Galmudug uu wato mushararaxa kale ee Nuur Iidow, isla markaana shir dhex maray kooxda Aala-sheekh iyo madaxweynaha Galmudug lagu heshiiyay in meesha laga saaro Wasiir Ceynte.

Senator  Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo ka mida xildhibaanada dhowaan loo doortay aqalka sare iyo C/kariin Guuleed ayaa isla gartay in C/raxmaan Ceynte laga saaro liiska musharixiinta aqalka hoose oo taas bedelkeed ay Aala-sheekh u soo galaan Baarlamaanka Axmed Macalin Fiqi iyo Xasan Macalin.

Wasiir Ceynte ayaa ka mid noqonaya wasiirada ku fasilmay inay soo galaan Baarlamaanka cusub, maadaama isagoo aan tartamin uu ka haray, waxaana liiska uga horeeya Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti oo looga adkaaday kursigii beeshiisa.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON