Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar soo saary wareegto uu kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Sababta keentay in la kala dir madaxdii mudadda dheer soo Maamuleysay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu sheegay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; muddo xileeda xubinta Guddiga, xaalad cakiran oo ka jirta gancsiga iyo inay lagama maarmaan noqotay dib u habeyn lagu sameeyo rugta Ganacsig.
Wasiirka ayaa magacaabay Guddi KMG oo ka kooban Guddoomiye, labo Ku-xigeen iyo 30 xubnood ka kala socda Shirkadaha Ganacsiga dalka si loo qabanqaabiyo doorashada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.
Ma cadda awoodda wasiiru u leeyahay inuu kala diro Guddi madax bannaan oo doorasho ku yimaada, laakiin waxa muddo dheer soo jiitamayey khilaaf ka dhex taagan ganacsatada iyadoo maamulka Rugta oo lacago ka hela Qasnada dowladda si weyn loogu dhaliilay inay qaban waayeen doorasho.

AKHRISO WAREEGTADA

