Tuesday, June 24, 2025

Maxaa loo xiri waayay kalfadhigii lixaad ee Baarlamaanka? (Guddi cusub oo la dhisayo)

Xeritaanka kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Federaalka oo lagu waday in maanta oo Arbaco ah la soo xiro ayaa socon weyday kadib markii guddoomiyaha Baarlamaanka uu jebiyay go’aankii Guddiga joogtada ah ay ku gaareen in muddo bil ah fasax la galo.

Jawari-Jeylaani-iyo-mahad

Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu waday inuu Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamanka Soomaaliya soo xiro ayaa isna ku hungoobay. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in uusan kulanka Baarlamaanka xirmin isla markaana ay shaqeyn doonaan Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka laakiin fasax gaaban oo ciidul adxaa ku saabsan la galay.

Kulankii maanta waxaa waxaa lagu ansixiyay dhismaha Guddi Wadatashiga Qaranka oo ka shaqeynaya  qaabka lagu gaari karo doorashada 2016, kaas oo ay soo jeediyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in howsha ay sii wadi doonaan guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, Kala Fadhiga Lixaadna la xiri doono marka laga soo noqdo Xajka, uuna soo idlaado wada hadalka mooshinka ka dhanka ah ee Baarlamaanka.

Lama oga sababta loo xiri waayay kalfdhiga lixaad iyadoo xildhibaano badan ay ku adkeysteen inuu sii socdo iyadoo ay jiraan arrimo xasaasi ah oo ku saabsan mooshinka madaxweynaha iyo hiigsiga cusub. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in xeritaanka kalfadhiga lagu kala aragti duwanaaday.

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON